Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmajo ayaa waxaa la wada ogsoon yahay inuu shaqsi ahaantiisa heystay xildhibaano daacad u ahaa oo gaaraya 72 Xildhibaan oo daacadnimo kula Shaqeyneysey. Xildhibaanada oo aha kuwii siiyay codkooda wareegga koowaad oo uu ku helay fursadda in uu noqdo Madaxweyne.
Sedaxdii maalmood ee la soo dhaafey ayaa waxaa Xildhibaanada Farmajo kooxdiisa uga socdey kulamo aad u xoog badan oo wakhti dheer qaadanayey magaalada Muqdisho, Xildhibaanada ayaa waxaa ay si xoogan u diidan yihiin qaabka ay u shaqeyso xukuumada iyo hab dhaqanka foosha xun ee Ra’iisul Wasaare Kheyre.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada kooxda Farmaajo oo aan xiriir la sameyney ayaa waxaa ay inoo sheegeen in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Farmajo uu ku jiro xaalad lagu tilmaami karo afduub.
Xildhibaanada waxaa kale oo ay Muqdisho Online u sheegeen in Madaxweyne Farmajo uu noqdey shaqsi abaal laawe ah oo aqoonin saaxiibtinimada iyo kuwa daacadda u ah, waxayna ku tilmaameen shaqsi dantiisa fiirsada.
Walaacan ay muujinaayaan Xildhibaanada ayaa imaanaya xili Madaxweyne Farmaajo ay soo wajaheen xaalado Siyaasadeed oo aad u adag oo sababi kara qaran bur bur.
“Sida ay bulshada Soomaaliyeed sheegeyaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmajo ayaa waxaa saaxiibadii la soo halgamey ula dhaqmey si fool xun oo ihaano ah, ka dibna saaxiibadiisa waa ay ka kala tageen ayuu yiri mid ka mid ah Xildhibaanada oo MOL u waramayay”
Waxaa isa soo taraya diidmada Shacabka, Xildhibaanada labada gole, beesha caalamka ay kaga soo horjeedaan siyaasadda fadhiidka ah ee RW Kheyre iyo golahiisa wasiirada. Kheyre aya ku xisaabtamaya in ka badan 65 xildhibaan oo ka tirsan golaha wasiirada sidii uu isaga difaaci laha haddii mooshin kalsooni kala laabasha ah laga keeno, balse waxaa ka sii daraya xaaladda dhaqaale, amni ee gobolka Banaadir waxaana la saadaalinaya in ay dhawaan magaalada Muqdisho ka bilowdaan kacdoon shacab taasoo keeni doonta burbur ku yimaada dowladnimada