Xildhibaanadi Ugu Badnaa oo Mooshin Manta Ka Gudbiyay Gudoomiye Jawaari

Reading Time: < 1 minute

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya aya gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha shacabka u gudbiyeyay mooshin ka dhan Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka Cabdiwali ibraahim Muudey ayaana aqbalay mooshinka ka dhan ah gudoomiye Jawaari.

Mooshinkan ayaa waxaa saxiixay 108 ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya,waxaana ay u sababeeyeen in guddoomiyaha Golaha shacabka uu ku fashilmay hab maamulka hoggaaminta Golaha shacabka Baarlamanka.

 

Soomaaliya.