Xildhibaanadda oo Markaan ku dhiiranaayo in ay ka hadlaan Qaladaadka Farmaajo iyo Kheeyre!!

Reading Time: < 1 minute

Jidadka waa weeyn ee Magaalada Muqdisho waxaa laga dhigay kuwa aan lasoo galin oo laga baxo oo kaliya taasi oo ah mid aan sharci aheeyn islamarkaana lagu caburinaayo Shacabka ku nool gobolka banaadir oo mar walbo u nugul dhibaato walbo oo ay soo hindisaan Kooxda Qiyaano Qaran.

Amar ay bixiyeen R/wasaare xassan cali kheeyre iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu Go’aamiyay lagu xiro wadooyinka si shacabka loo cadaadiyo oo aysan u ahaan shacab Dowlada la xisaabtama.

Iyadoo ay taasi jirto ayaa Xildhibaan C/wali Maxamed Qanyare oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu sheegay in shacabka ku nool Gobolka banaadir in looga baahan yahay in ay ka dhiidhiyaan Falalka guracan ee lagula kacaayo.

Xildhibaan C/wali Maxamed Qanyare waxaa uu shacabka ugu baaqay in la iska wareejiyo Dhagxaanta lagu xiray wadooyinka ee beenta ah.

Qoraal kooban ayuu Bartiisa Twitter-ka soo dhigay waxaana uu ku sheegayaa in ay dowladu canshuurta kaliya qaado shacabka wadooyinka ka xirto.

Xildhibaanadda Dowladda Federaalka ah ee soomaaliya ayaa waxaa ay markaan ku dhiiranayaan in ay ka hadlaan dhibta lagu haayo shacabka.