Xildhibaanadda Maamulka Hirshabeelle oo kala Xayiran!!

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan Mahad Isaaq Ibraahim Sharaawe oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeele ayaa ka Waramay Cabsida Baahsan oo ay Xilligan Dareemayaan Xildhibaanada Maamulkaasi Ka dib markii Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle lagu dilay inta u dhaxeyso Balcad iyo jowhar

Xildhibaan Mahad Isaaq ayaa sheegay in Maamulka Hirshabeelle ay sameeyeen Dadaalo lagu Sugayo Ammaanka Xildhibaanada Maamulkaasi oo ay Qeeyb ka tahay in Xildhibaanada la dhexdajiyo Ciidamada nabad Ilaalinta u jooga Soomaliya ee Amisom Wuxuu sidoo kale Sheegay in Dilalka loo geesanayo Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaaanka Maamulka Hirshabeelle ineysan aheyn wax weyn Maadaama Kooxaha Dilka Geysanaya ay si dhuumaaleysi ah ay ugaadayaan Xildhibaanada iyo Masuuliyiinta kale ee ka tirsan Hirshabeelle oo ay weerar toosa kusoo qaadi karin

Geesta kale Xildhibaan Mahad Isaaq ayaa ka dhawaajiyey in Masuuliyiinta Maamulka Hirshabeelle ay wadaan sidii looga hortagi lahaa falalka Dilalka ah ee ka dhacaya Deegaanadda Maamulka Hirshabeelle Wuxuuna sheegay in Haatan Xildhibaanada Maamulka Hirshabeelle ay Fasax ku maqan yihiin  ka dib marka laga soo labto Fasaxana ay arrintaasi Go’aan cad kasoo saari doonaan

Horray ayey aheeyd markii Maamulka Hirshabeelle ay sheegeen iney Ciidamo ay geeyn,doonaan Wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar,Xildhibaan mahad isaaq ayaa sheegay in Ciidamada ay yihiin kuwa ilaaliya kaliya wadooyinka soogala Deegaanada Maamulka Hirshabeelle

ugu danbeeyntii Xildhibaan Mahad Isaaq ayaa sheegay in Xildhibaanada iyagu laga doonayo iney la Xisaab tamaan Xuukuumadda ayna soo Bandhigaan Baahiyaha ka jira Deegaanada ay matalayaan