Iyadoo dhawaan xal laga gaaray mooshin laga gudbiyay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi waare ayaa waxaa hadda soo baxaya in Mooshinkii dib u curan rabo ka dib Waxyaabahii lagu balamay oo uu durba ka baxay Madaxweyne Waare.
Xildhibaan Bashiir Xusseen oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in aysan aqbali doonin Hamiga Madaxweyne Waare ee ah in uu la saaxiibo Villa Soomaaliya taasi oo ay sheegeen in aysan jirin wax dan ah oo ugu jirto.
Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayuu ugu baaqay in uu joojiyo Damaciisa noocaas ah islamarkaana uu ka shaqeeyo kaliya danta Maamulka Hirshabeelle”wax dan ah oo hirshabeelle ay ku qabto villa soomaaliya ma jirto,sidaas awgeed madaxweynahu waa in uu taas ogaado”ayuu yiri xildhibaanku.
Hadalka Xildhibaankaan ayaa waxaa uu imaanayaa xili Madaxweyne Waare uu saaxiib la noqday kheeyre,taasi oo ay dadka qaar aaminsan yihiin in uu ku hungoobi doono