Xildhibaanadda Baarlamaanka oo Kullan Maanta Muqdisho ku leh

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta kulan ku leh Magaalada Muqdisho si ay ugu hadlayaan mid kamid ah Ajendayaasha Horyaalla.

Xildhibaanada ayaa loo diray fariin balameedka kulanka maanta oo ay ku xusan tahay Ajandeha Fadhiga oo ah aqrinta koowaad ee hindise sharciyeedka dhismaha Hay’adda dadka naafada ah.

Golaha ayaa laga hor aqrin doonaa Hindise sharciyeedkaan, waxaana fadhiyada kale la filayaa in ay ka doodaan si ugu dambeyn ay cod ugu qaadaan.

Golaha Shacabka ayaa u muuqda in uu dar-dar gelinayo Ajendayaal horyaalla, waxaana fadhiyadii lasoo dhaafay la horgeeyay Ajendayaal dhowr ah oo ay kamid yihiin Xisaabxirka Miisayadii Dowladda 2017-kii iyo Xeer Hooseedka ay ku shaqeeyaan.