Xildhibaanada Waa in la Ixtimaa  Iyagana  Waa inay Dalka u Naxaan!

Reading Time: 2 minutes

Doodihii ay xildhibaanada qaar ka jeediyeen golaha shacbiga waxay cabsi gelisay shacbiga iyo aqoonyahannada Somaliyeed ee halganka wada jirka ah ugu jira sidii dalka shabaab looga xoreyn lahaa loona soo afjari lahaa cabashada ka dhalatay baarista ammaankooda lagu ilalunayo iyo culsleynta isu socodka caasimadda.

Xildhibaanada waa odayaashii dalka waxaana laga rabaa inay dulqaad iyo adkeysi muujiyaan xelligaan kala guurka ah, waayo dadka Somaliyeed dhegahooda ayaa taagan oo waxay ka cabsanayaan in mar kale uu Barlamaanku noqdo sidii kii ka horreeyey oo isu badalay igu shubo aan kuu shirbee.

Xildhibaanada sharafta leh waa inay taageeraan Arriimhan si ay u noqdaan Sida Xildhibaanada Kenya ama dunida kale:

Tan koowaad: Wax kasta oo lagu hagaajinayo amaankooda iyo kan dalka iyagoo u adkeysanaya tacadiyada ka dhex dhaca maamulka iyo askarta si loo joojiyo tacadiyo ka weyn oo ah inuu ammaankooda khater galo. Tusaale haddii qof labada dhinaca (Shabaab iyo Dowladdda sida Barlamaanka) masuuliyad ka hayaa uu baarista ka baxsado kadibna la galo wixii uu watay golayaasha midkood maxaa dhici kara? Waa halaag laga baaqsan karay haddii loo adkeysan lahaa tacadiga askariga wax baaraya oo ay aqoontu ku yar tahay si tacadigaan weyn looga hortago.

Tan labaad:  Xildhibaanku waa aabaha ama hooyada dalka wiilka baarayaa waa inay toosiyaan, saxaan gefkiisa una dulqaataan khaldaadkiisa si shacbiga uu ugu daydo, loona gaaro meeshaan meel ka wanaagsan oo lagu wada farxo.

Tan seddexaad : Waxkasta oo lagu hagaajin karo maamulka maaliyadeed ee dalka si looga gudbo xaaladaha musuq maasuq oo la hubo inay ka jiraan heer walba oo dowladda ah. Laakiin xildhibaanku haddii uu yiraahdo sixidda maxaa aniga la iigaga billaabayaa, baarista maxaa aniga la iiga billaabayaa waa dayacaad masuuliyadeed waayo xildhibaanka ayaa shacbiga ka xiga dowladda oo haysta kalsoonidooda shacbiga, dowladda tiisa ayey haysataa, waa inuu wax waliba oo wanaag ah u hormaraa isaga dhib kasta ha kala kulmee, tusaalana u noqdaa inta kale.

Isku soo duub dowladda waa inay wax weyn oo qaarkood xanuun leh ay ka qabataa:

1- Ammaanka oo u baahan gacan bir ah oo aan naxariis lahayn.

2- Hagaajinta Maamulka iyo u xulidda hawlwadeennada oo lagu dhiso maxaad taqaan ee aan lagu dhisin yaa taqaan.

3- Musuq maasuqa oo looga daba tago meelkasta oo uu galo xataa hadduu qoyska ama gurigaaga galo.

Dal laguma dhisi karo Been iyo dul kaxaadis  ee waa in boogta loo dhacaa, la faraa kadibna si saxa loo daweeyaa. Boogteenna waa amaandarro, maamul xumo iyo musuqmaasuq.

Sidaas darteed mudanaha Xidhibaanka ah  waa in la ixtiraamaa iyaguna dalka u naxaan oo u adkeystaan Culeysyada,  sixidda ammaanka iyo kan maamulka maaliyadda kaga imanaya.