Xildhibaanada Taageersan Mooshinka Jawaari oo u Muuqda kuwa Kaga Baxaya Xukumada Mooshinka Ay Wado

Reading Time: < 1 minute

Iyado maalinta berito ah lagu balansan yahay in kulamo iska soo horjeedo uu ka dhaco Xarunta golaha shacabka aya waxa so baxaya in Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari ay ku kala qeybsan yihin kulanka berrito loo balansan yahay.

C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ahaa Xildhibaanada hormuudka u ahaa shirka jaraa’id ayaa sheegay in mooshinka la keeno maalinta Arbacada ay wadaan shaqsiyaad degdegsan.

“Anaga waxaa qabaa in laga war sugo dhex dhexaadinta la wado, dadka dhahaya Mooshinka Arbacada la keenayaa waa degdegsan yihiin, qaarkood waxay rabaan intii arrintan jiitami laheyd dhaqse lagu kala baxo, waana ra’yi shaqsiyadeed”ayuu yiri C/llaahi Sheekh Ismaaciil.

Waxaa uu sheegay in wada hadalka uu ku rajo weynahay in laga gun-gaaro, isla markaana si aqbalaad leh ay arrinta ku dhamaato.

Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil ayaa wali ku doodaya in Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudey uu wali haayo howsha maamulka, maadaama uu Guddoomiye Jawaari mooshin ka yaalo.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada mooshinka horboodaya ayaa sheegay in maalinta Arbacada oo berri ku beegan la horgeynayo Baarlamaanka mooshinka, halka Xildhibaanada ka soo horjeeda ay ka digeen kulankaas.

Khilaafka ka dhashay mooshinka Jawaari ayaa wali xal laga gaarin, iyadoo dadaalo iyo waan waan uu waday Madaxweynaha aanay wali mira dhal noqon.