Xildhibaanada saxiixay mooshinka Madaxweyne Farmaajo oo kor u dhaafay 110 (Akhriso)

Reading Time: < 1 minute

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegeya in mooshinkii laga wadey madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ay saxiixeen in ka badan 110 Xildhibaan oo ka tirsan labada aqal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 48 saac ee la soo dhaafey waxaa soo food saarey culeys weyn oo uusan hore u arag ka dib markii uu ogaadey xaqiiqda dhabta ee xaalada Mooshinka iyo inta Mudane ee Saxiixdey Mooshinka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa labo habeen ka hor arinta Mooshinka u xilsaarey Ra’iisul Wasaare Kheyre & Fahad Yaasiin si ay u kala fur furaan Xildhibaanada saxiixey Mooshinka, waxase ay ka warheleen in xaaladda ay ka fogtahay mid lacag iyo laaluush lagu kala furfuri kara, walow uu jiro tuhun in RW Kheyre uu wax ka ogyahay mooshinka laga wado Madaxweyne Farmaajo.

Mooshinkan ayaa waxaa laga yaabaa inuu xilkiisa ku waayo Madaxweyne Farmaajo, maadaama uusan heysan cid la aamini karo oo kala dhaxgasha Madaxweynaha it Xildhibaanada saxiixey Mooshinka.

Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa waxaa ay qorsheyneyaan in ay si degdeg ah ugu gudbiyaan Gudoonka Baarlamaanka Warqadaha eedeymaha Madaxweynaha, si deg deg ahna codka kalsoonida loogu qaado.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa wajahaya Dhibaatooyinka balaaran oo la xiriira mudada xil heyntiisa.

Si kastaba ha ahaatee dabagal aan sameeynay ku ogaanay in Xildhibaanada Baarlamanka ay aad uga soo horjeedaan kuna tilmaameen Madaxweynaha in uu yahay shaqsi isku darsaday been iyo fudeyd kuna degdega go’aami masiiri ah oo wax u dhimaya qaranimada Soomaaliyeed. Waxaa intaa u dheer sida ay xildhibaanada u xaqiijiyeen MOL, in aay aad u dhibsadeen dhaqanka foosha xun ee Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo ay ku tilmaameen in uu yahay shaqsi coolshiis u shaqeyste ah.