Xildhibaanada Puntland ee DFS oo kahor yimid furista dastuurka

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanada labada aqal ee federaalka ku matala Puntland, kuwaas oo Garowe u joogay xal u helista khilaafka Siyaasadeed ee madaxweyne Deni iyo mucaaradka, ayaa soo saaray war murtiyeed ay ku sheegayaan in aysan suurta gal ahayn in doorasha qof iyo cod ah xilligeedii laga qabto Puntland.

Xildhibaanada labada aqal ayaa soo jeediyay in doorashada Puntland la qabto 8-da January 2024, waqtigeediina ku dhacdo laguna qabto nidaamkii soo jireenka ahaa ee lagu soo xuli jiray xubnaha Baarlamaanka.

Xildhibaanadu waxay kaloo ka hor yimaadeen furista dastuurka Puntland, iyagoo baarlamaanka ugu baaqay inuu ka waantoobo waxkasta oo dhibka sii kordhin kara, oo ay ugu horayso in wax laga beddelo Dastuurka qoddobaddiisa.