Xildhibaanada oo u muuqda Kuwa Go’aan Cad ka qaatay Xukumadda R/wasaare Kheeyre!!

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan Cabdullahi Shiikh Ismaaci oo ka tirsan Xildhibaadanada Golaha Shacabka  Baarlamaanka Dowlada faderaalka ee Soomaaliya  oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay  in amniga dalka uu uusii xumaaanayo dhibaato xoogana ay ka jirto.

Cabdullahi Shiikh Ismaaciil ayaa sheegay in xaalada amni ee dalka marka la eego in uu aad usii xumaanayo, waxuuna xusay in dhamaan Xildhibaanada ay isla qabaan in amniga dalka uu yahay mid faraha ka sii baxayo.

Sidookale Xildhibaanka ayaa tilmaamay in lakala saaro arimaha amniga iyo kuwa la xiriira Siyaasada,

“Xildhibaanada Golaha Shacabka dhamaantood waa isla qabaan arinta ah inuu amniga sii xumaanyo farahana uu ka sii baxayo balse ma ahan in la siyaasadeeyo  armiha amniga, waxaa muhiim ah in lakala qaado” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullahi Shiikh ismaaciil .

Dhanka kale Xildhibaan Cabdullahi ayaa ka hadlay qilaafka udhaxeeya  Dowlada soomaaliya iyo madaxda Maamul Goboleedyada,waxaa uu sheegay in xiligaan ay muhiimtahay in qilaafka lagu xaliyo wadahadal, waxuuna intaas ku daray in aan xiligaan lajoogin xiligii loo kala gar qaadi lahaa Madaxda Soomaaliyeed .

Xildhibaan cabdullahi  Shiikh Xasan ayaa yiri “Ma lajoogo xiligii Madaxda soomaalida look ala garqaadi lahaa, waana ayaan daro in Madaxda Maamul goboleedyada ay arinkaasi isku raacan”