Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya oo Wado Abaabulkii Ugu Dambeeyay Ee Mooshinka M/weyne Farmaajo

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanadda Baarlamaamka Soomaaliya ayaa waxaa ay hadda wadaan Abaabulkii ugu dambeeyay oo ay ku doonayaan in ay xilka ugu Xayuubiyaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Kulamo Gooni Gooni ah oo ay muqdisho ku yeelanayaan xildhibaanada ayaa looga arinsanayaa sidii loo wajahi lahaa Qorshahaasi oo xilka looga qaadayo Madaxweyne Farmaajo.

Muqdisho Online ayaa Ogaatay in Tiradii ugu Badneed Ee Xildhibaanadda Labada Gole ay Kulmeen islamarkaana ay isku waafaqeen in Xilka laga qaado Madaxweynaha Maadaama ay Dowladdu Fashil Cad dhex dabaalatay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dadka Qaar Waxaa ay sheegeen inay suuragal tahay in uu xilkiisa Nagi kusii ahaado islamarkaana uu daaqada ka bixiyo Xassan Cali kheeyre