Guddiga Joogtada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka oo maanta kulan degdeg ku yeeshay Xarunta Golaha shacabka ayaa go’aamiyay in maalinta berri uu Baarlamaanka leeyahay fadhigiisa caadiga ahaa.
Kulanka Guddiga Joogtada oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa looga hadlay ajandayaasha horyaala kalfadhiga bishan December.
Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay hakadkii ku yimid kulamada Baarlamaanka oo muddo 10 maalmood hakad ku jiray, kaddib buuq iyo muran ka dhashay warbixintii Guddiga Maaliyadda iyo kala diridii guddoomiye kuxigeenka 1aad C/weli Muudeey.
Guddoomiye Maxamed Mursal oo la hadlay Guddiyada Joogtada ayaa sheegay in arrinta kala dirida Guddiga uu sida ugu dhaqsiyaha badan uu go’aan uga soo gaari doono, isla markaana uu keeni doon go’aan dastuurka wafaaqsan oo dhinacyada oo dhan raalli geliya.
Waxaa xusid mudneyd in kulanka Guddiga Joogtada uu ka dhex muuqday Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Cali Cabdi Cusmaan (Xildhibaan Caliyow)
Dhinaca kale Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa loo diray farriin qoraaleed lagu wargelinayo kulanka berri oo arbaco ah, waxaana ajandaha kulanka yahay akhrinta 3aad hindise sharciyeedka Leelitirka.