Xildhibaanada Ka So Jeeda Deganada Konfur Galbed oo So Faragaliyay Moshinka Jawaari+Baaq Layaab Leh oo AY Jediyen

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo jeedda degaanada maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxa ay ugu baaqeen Guddoomiye Jawaari in uu xilka ka dego.

Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in Guddoomiye Jawaari ay ka doonayaan in uu tixgaliyo codsigooda Maadaama ay kasoo jeeddaan isku gobol ayna ka codsanayaan in uu iscasilo.

Waxa ay sheegeen in xildhibaanada Mooshinka keenay ay ka badan yihiin 200,islamarkaana inta uusan hortagin baarlamaanka in laga doonaayo in uu codsigooda tixgaliyo.

Xildhibaanada kulanka yeeshay ayaa u muuqday kuwo Caddaadis saaraayay Guddoomiye Jawaari oo sheegay in uu doonaayo in Mooshinka laga keenay la horgeeyo Baarlamaanka.

Xiisadda u dhaxeysa Golaha Shacabka ayaa sii xoogeysatay maalmihii lasoo dhaafay,iyadoona Guddoomiye Jawaari uu sheegay in uu aqbalay Mooshinka laga keenay, lana doonaayo in sifadda Sharciga ah la marsiiyo.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!