Xildhibaanada K/Galbeed oo Dalbaday in Doorashada Maamulkaasi Waqtigeeda Lagu qabto!!

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan Xasan Macalin yusuf Black oo kamid ah Xildhibaanada maamulka kunfur galbeed soomaaliya ayaa ka hadley doorashada ka dhaceyso deegaanada maamulkaas

waxa kale oo uu tilmaamey in ee jiraan diyaar garowga loogu jiro dorashada madaxweynaha maamulkaas  ee dhaceyso waqtigeeda

Xildhibaan Xasan Macalin yusuf Black ayaa waxa  kale uu ka hadley xaalada amaan ee deeganada maamulkaas asigoona sheegey in ee jiraan dhibaatooyin dhanka amniga ah

Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa Cod  horey ugu qaaday cidda dooraneysa Madaxweynaha soo socda Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya

Hadane Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed soomaaliya  Shariif Xasan ayaa u hanqal taagaya in markale uu ku guuleysto kursiga uu hada taladiisa hayo, balse waxaa muuqata inuu loolan adag kala kulmi doono musharaxiin doorashadan isu soo sharaxeysa.