Xildhibaanada Hirshabeele oo Mooshinkoda Gudomiyaha Iyo Madaxweynaha La Barbar Dhigay Kan Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabelle aya Mooshin ka keenay Madaxwaynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo gudoomiyaha Baarlamanka Shiikh Cusmaan Barre.

Xildhibaan Nuur Xashi Warsame ayaa sheegay in magaalada Jowhar ay ka socdaan mooshino iska soo horjeeda kuwaas oo ku foorara Gudoomiyaha iyo Madaxweynaha Maamulkaasi Hirshabeele.

Waxa uu sheegay Xildhibaanku in mooshinadaan ay yihiin kuwa sharci ah sidoo kalana ay la midyihiin mooshinada ka socda magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Nuur Xashi Warsame aya ka mid ah xildhibaanada Mooshinka ka keenay gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle waxaana uu cadeyay in uu ku fashilmay shaqooyinkii loo doortay.

Wararka aya shegaya in kulamo kala duwan ay ka socdaan Magaalada Jowhar iyado Xildhibaanada Baarlamaanka ay ka shiran Mooshinadaasi ay qorshenayaan in ay Xilka kaga tuuraan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne Waare.