Xildhibaanada Golaha shacabka oo maanta meel mariyay sharciga xuquuqda Siyaasiyiinta

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Maanta kulankooda caadiga ahaa wax ay ku yeesheen Magalada Muqdisho,iyaga oo ku ansixiyay xeerka xuquuqda Siyaasiyiinta dowladda.

Kulanka waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,waxaana soo xaaadiray 170 Mudane.

Guddoomiye Mursal ayaa furitaanka kulanka kadib  ka dalbaday Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka Maxamuud Macalin Yaxye inuu akhriyo sharciga xaqsiinta Siyaasiyiinta Dowladda, si loo meel mariyo.

Intaasi kadib 167  Xildhibaan ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyay 1 Xildhibaan ayaa diiday,halka  2 Xildhibaan ay ka aamuseen,waxaana Guddoomiyaha golaha Shacabka uu ka dhawaajiyay in Sharcigaas uu ansax yahay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!