Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta dood yeelanaya

Reading Time: < 1 minute

 Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa xalay lagu wargeliyay inuu jiro kulanka baarlamaanka maanta oo Arbaco ah, islamarkaana ajandaha kulanka uu yahay sii wadista ka doodista xeer hoosaadka baarlamaanka.

Kulanka oo uu shir guddoomin doono guddoomiyaha baarlamaanka golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxa ay xildhibaanada kaga doodayaan wax ka bedelka xeer hoosaadka baarlamaanka.

Ciidamada booliska ayaa sida caadada aheyd waxa ay xireen wadooyinka ku dhaw xarunta baarlamaanka, waxayna baaritaan dheeraad ah ku sameynayaan gaadiidka yar yar ee halkaasi maraya.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dardar deglinaya kalfadhiga Afaraad ee golaha shacabka, kadib markii kalfadhigii Saddexaad lagu eedeeyay inay ka gaabiyeen shaqooyinkii waajibka ahaa ee hor yaallay.