Xildhibaanada Galmudug garabka ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay doorteen Gudoomiye waxa ayna Gudoomiye u doorteen Sheekh Ibraahin Xasan Guure.
Xildhibaanadaan ayaa waxaa Magacaabay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf waxa uuna Gudoomiyahaan noqonayaa Gudoomiyihii sedexaad oo ay Galmudug yeelato.
Dhawaan ayaa waxa ay dooran doonaan Madaxweyne waxaana tani ay siihurinaysaa xaalada cakiran ee ka jirta Deegaanada Maamulka Galmudug.