Hadal jeedinta dad lagu sheegay in ay sharaxan yihiin Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa saakay ka bilaabatay Magaalada Baydhabo. Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka cusub ee maamulka Koofur Galbeed ayaa waxaa u taagan labo Xildhibaan oo kala ah Maxamed Cabdiraxiin Nuur iyo Dr. Cali Saciid Faqi oo ah Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub. Maxamed Cabdiraxmaan ayaa ah qof malxiis ah ama nin magac u yaal ah oo camiraya goobta laakiin aan si buuxda ugu jirin tartanka.
Dhnka kale Guddoomiye ku xigeenka koowaad waxaa u tartamaya Xildhibaanada kala ah Aamina Isaaq Maxamed iyo Maxamed Nuur Maxamed Macalin, halka Guddoomiye ku xigeenka labaad ay u tartamayso oo kaliya Xildhibaan Shamso Maxamed Yarow.
Farmaajo ayaa amray in Doorashada lagu beego oo ay dhaco maalin Arbaco ah , kuna beegnaan doonto maalinta berito ah oo bisha Abril tahay 1. Xildhibanada ayaa xalay iyo maanta waxaa si buuxda loo baraayay magaca iyo wajiga Cali Saciid Faqi si ayan berito qalad u sameeyaynin oo uusan codkooda si qalad ah meel kale ugu dhicin.