Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa ka hadlay shaqooyinka horyaallo oo ay ugu horreyso doorashada guddoonka Labada Gole ee dalka.
Ugu horreyn xildhibaanada cusub ayaa ansixiyey wax ka baddelka habraaca ku-meel-gaarka ah ee u gaarka ah doorashooyinka Guddoonka labada Gole iyo Madaxweynaha.
Habraacan ayaa waxaa ogolaatay illaa 190 Mudane, waxaa diiday hal xildhibaan, waxaa ka aamusay 6 xilddhibaan, sida uu shaaciyey guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka.
Intaasi kadib, waxaa warbixin laga dhageystay guddoomiiyeyaasha guddiyada doorashada ee labada Aqal oo ka warbixiyey qorshe howleedkooda iyo jadwaka ay dajiyeen.
Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ah guddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada Golaha Shacabka oo warbixinta gudbiyey ayaa shaaciyey jadwalka, wuxuuna sheegay in beri oo ku beeggan 19-ka ilaa 20-ka bishan April oo kala ah Talaadada iyo Arbacada soo socda ee todobaadkaan la bilaabayo diiwaan-gelinta murashaxiinta guddoonka Golaha Shacabka. (9:00 ilaa 16:00 xilliga Shaqada).
Sidoo kale wuxuu sheegay in 23-ka bishaan loo qorsheeyey in la qabto ‘hadal jeedinta musharaxiinta guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Maalinta xigta ee 24-ka April ayaa sidoo kale loo qorsheeyey in la qabto ‘hadal jeedinta musharaxiinta guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka.’
Ugu dambeyntii, 25-ka ilaa 26-ka bisha waxaa la siiyey fursad ay xubnaha guddigu isugu diyaariyaan doorashada guddoonka golaha shacabka oo la qorsheeyey inay dhacdo 27-ka bishaan April.