Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Puntland oo maanta dhawaaqayo

Reading Time: < 1 minute

Mucaaridka Puntland ayaa Magalada Garowe ee Caasiamada Puntland ka bilaabay dhaq dhaqaaq iyo diyaar-garow xilli Maanta song dhawaaqayo liiska Xildhibaanada Cusub Baarlanka islamarkaana weli xiisad ay ka taagan tahay.

Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanka Puntland, , ayaa song wadaa inay shaaciyaan liiska xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Puntland.

Guddiga xallinta khilaafaadka ayaasaacadihii la soo dhaafay isku khilaafay in liiska xubnaha SSC lagusoo daro shaacinta. Qaar kamid ah xubnaha guddigan ayaa ku taliyay in laga reebo liiska, tan iyo inta heshiis laga gaarayo.

Madaxweyne Deni ayaa ku adkaysanaya in doorashada song gali doono 66 xildhibaan, isagoo sheegay in SSC- Kaatumo ay qeyb ka tahay hannaanka doorashada Puntland.

Sidoo kale , SSC-Khaatumo ayaa adkeeyay go’ankoodii ahaa in aysan qeyb ka ahayn doorashada Puntland, waxayna sheegeen in aysan matalin cid kaste oo qaadata doorashada Puntland.