Xildhibaanada Cusub Ee Baarlamaanka Puntland Oo La Dhaariyay

Reading Time: < 1 minute

Xarunta baarlamaanka Puntland ayaa lagu dhaariyay xubnaha cusub, iyadoo siweyn loo adkeeyay amaanka xaruntaasi.

Xildhibaanada cusub ayaa durba kulankoodii u horeeyay leh, waxaana wararka la helayo ay tilmaamayaan iney u fadhiyaan doorashada ninka ugu da’da weyn oo gudoomiye KMG ah u noqonaya, kaasoo diyaarin doona doorashada gudoonka rasmiga ah ee baarlamaanka.

Dhinaca kalena, musharixiinta mucaaradka ah ayaa haatan kulan gaar ah la qaatay madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash, iyadoo lagu wado in goordhow ay la hadlaan warbaahinta.