Xildhibaanada BJFS oo weydiistay in la caddeeyo ciidanka soo afduubay Mukhtar Robow (Akhriso)

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maalintii shalay oo ay taariikhda ahayd 14 Desember 2018 ay xildhibaanada BJFS ay warqad dacwad ah u direen ururka Midowga Afrika, Iyo Qaramada Midoobay taasoo ay kaga ashtakoodeen falkii guracnaa ee ciidamada AMISOM ay ka geesten soo qabashada iyo dilka shacabka taaso keentay xiisada ka taagan magaalada Baydhabo iyo bannaanbaxyada ay wadaan shacabka Koofur Galbeed.

Wakiilka Midowga Afrika isla markaana ah madaxa Taliska AMISOM aya dafiray in ciidamo ka tirsan AMISOM ay soo qabteen Mukhtar Robow ayna dileen Shacabka Baydhaba.

Haddaba xildhibaanada oo taa ka duulaya ayaa waxay warqad aay ku codsanayaan in la caddeeyo ciidamada Itoobiya ee geystay dilka soona Afduubay Mukhtar ay yihiin ciidamo ka tirsan AMISOM ama in ay yihiin ciidan si sharci darro ah ku jooga dalka.

Halka hoose ka akhriso warqadda ay direen Xildhibaanada