Xildhibaanada BJFS oo soo saaray dacwad ka dhan faragelinta AMISOM iyo Francesco Madeira (Akhriso)

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanada badbaado qaran aya soo saaray warqad ay ku cambaareynayaan falkii lagu soo xiray Mukhtar Roobow. Xildhibaanada aya sidoo kale ka digay in ciidamada AMISOM loo adeegsado siyaasad oo ay qeyb ka noqdaan kalitalisnimada uu wado MW Farmaajo.

Xildhibaanada ayaa sheegay in ay warqad ashtako iyo dacwad ah u gudbin doonaan ururka midowga Afrika taasoo ka dhan ah Fransesco Madeira oo ah wakiila ururka Midowga Afrika iyo madaxa AMISOM.

Xildhibaanada aya sidoo kale ugu baaqay Gud. Golaha Shabacka in uu soo dedejiyo kalfadhiga golaha si loo guda galo doodda mooshinka ka dhanka ah MW Farmaajo.

Xildhibaanada aya sidoo kale baaqay in ay joojiso dowladda Eriteriya faragelinta qaawan ee ay ku hayso arrimaha Soomaaliya, waxayna sheegeen in kalitalisnimada Afawerki aanay u shaqeyn doonin MW. Farmaajo waxayna ka digeen in la soo dedejiyo dagaal sokeeye.

Halka hoose ka akhriso