Xildhibaanada BFS”waxaan ka digeeynaa in dalka meel hog ah lagu hogaamiyo”

Reading Time: < 1 minute

Qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa war kasoo saaray dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya, gaar ahaan xarunta Qaramada Midoobey ee Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa si adag u cambeeyay weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay xarunta Qaramada Midoobey ee Muqdisho, islamarkaana ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah shaqaallaha Qaramada Midoobey.

Xildhibaanadaan oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay tahay lama huraan in dalka la badbaadiyo,Maadaama ay sheegeen in maamulka Farmaajo uu hareermaray Shuruucda dalka.

Xildhibaanada ayaa si weyn uga soo horjeestay tilaabada lagu ceyriyay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.