Xildhibaanada BFS oo kulan xasaasi ah leh

Reading Time: < 1 minute

Maanta oo isniin ah taariikhduna ku beegan tahay 1-da Bisha April ayaa la filayaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay yeeshaan kulankoodii ugu horeeyey eek al-fadhiga 5aad, kadib markii uu Sabtidii ka baaqday kulankaan.

Ajendaha kulanka Maanta oo Isniin ah ayaa ah labo qodob oo kala ah, Hadal jeedinta guddoomiyaha golaha shacabka iyo  Warbixin laga dhageysan doono  guddiga dib u eegista dastuurka Federaalka Soomaaliya.

Waxaa meesha laga saaray mooshinkii ka dhanka ahaa amniga oo ay gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka,kuwaas oo ku doodayay in xilligaan ay haboon tahay in laga hadlo xaalada amni ee Magalada Muqdisho oo todobaadkii la soo dhaafay aad u xumeyd.

Lama oga waxa ka dhalan karo ka saarista mooshinkii la xiriiray dhinaca amniga, iyada oo ay xusid mudan tahay in sababtidii Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay banaanbax ka dhigeen Xarunta Golaha Shacabka.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa ay sheegeen in oqodbka la xiriira amniga ay ka hadli doonaan waqti klasta haku qaadatee,waxaana qaarkood ay sheegeen in hadii uu ka diido guddoomiye Mursal uu shir guddoomin doono Ninka ugu da’da weyn Xildhibaanada Golaha Shacabka.