Xildhibaanada BFS oo dacwo ka gudbiyay Gudoomiye Mahad Cabdalla Cawad iyo Go’aan Culus oo ay ka qaateen

Reading Time: 2 minutes

Xildhibaanada Baarlamaanka soomaaliya ayaa markan dareemay bohosha uu Golaha shacabka ku wado Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdala Cawad kaasi oo Xarunta Golaha Shacabka ka dhigtay goob uu ku burburiyo rajadii iyo Dowladnimadii ay sugayeen shacabka Soomaaliyeed.

Mahad Cabdala Cawada ayaa haatan lagu heystaa inuu jabiyay sharciyo u yaalay Baarlamaanka isagoo dhowr mar baal maray qanuunka u dagsan Baarlamaanka Soomaaliya

Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad waxa uu noqday adeegaha loogu kalsooni badanyahay ee Xukuumada Kheeyre ay heysato marka loo eego in  Cawad uusan jabin xeerarka Kheeyre u yaala oo ah in la musuq maasuqo hantida Qaranka iyo in buuq iyo arbushaad lagu furo kulamada Golaha Shacabka ay isugu imaanayaan taasi oo ay muuqatob in Cawad uu kasoo baxay shaqadii uu Kheeyre u igmaday balse uu ku fashilmay inuu noqdo masuul u adeega danaha Qaranka Soomaaliyeed iyo shacabkaba.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa haatan gudbiyay warqad ka dhan ah Gudoonka labaada ee Golaha Shacabka Mahad Cabddala Cawad kaasi oo noqday mid ku fashilmay inuu guto waajibaadkii ay u igmadeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Hooska aqriso warqada kasoo baxday Xildhibaanada ee loo gudbiyay Gudoonka Golaha Shacabka.

sikastaba ha ahaate waxaan la ogeeyn talabada laga qaadi Xildhibaan Mahada Cawad kaasi oo ku tagri falay awoodii Gudoonka intii uu shir Gudoominayay kulamada Golaha Shacabka.