Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Kulanka waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.
Ajendaha kulanka ayaa ah saddex qodob oo kala ah:
- U codeynta dib u eegista xeer hoosaadka golaha shacabka.
- Aqrinta saddexaad sharciga howlgabnimada, xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha ciidamada qalabka sida.
- U codeynta qoondaha miisaaniyadda dowladda 2019.
Ugu horeyntii Xildhibaanadda ayaa ansixiyay sharciga howlgabnimada, xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha ciidamada qalabka sida oo ay soo diyaariyeen guddiga difaaca ee Golaha Shacabka iyo xeer hoosaadka golaha shacabka oo dib u eegis lagu sameeyay.
170 xildhibaan ayaa ogolaatay, waxaa diiday 1 xildhibaan, wax ka aamusay ma jiro.
Dhanka kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod wada ogol ah ku ansixiyay miisaaniyadda dowladda 2019.
174 Xildhibaan ayaa ogolaaday, ma jiro Xildhibaan ka aamusay ama diiday ansixinta miisaaniyadda dowladda 2019.