Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah yeelanaya

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Maanta oo Sabti ah waxa ay  kulan ku yeelanayaan xarunta golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa ah warbixin Miisaaniyadeedka iyo sharciga Hanti dhowrka,waxaana Xildhibaanada ay aad Maanta uga doodi doonaan warbixintii Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in kulanka Baarlamaanka uu jiro Maanta oo Sabti ah,isla markaana cod loo qaadiyo Sharciga Hanti dhowrka oo maalmo ka hor la soo gabagabeeyay akhrintiisa.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale waxa ay dood kulul ka yeelan doonaan Warbiixntii Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka ee aheyd eedeynta dhinaca musuq maasuqa u jeediyeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Gobolka Banaadir.

Qoraal shalay kasoo baxay Xafiiska Hanti- Dhowrka Qaranka ayaa waxaa walaac looga muujiyay qoraalkii horay uga soo baxay Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka,isla marlaana lagu shegay in aan wadatashi iyo xog-wareysi lagala yeelan Hay’adihii loo igmaday kormeerka Maaliyadda dalka.