Xildhibaanada Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta su’aalo kulul weydiinaya Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa xalay lagu wargeliyay in maanta uu jiro kulanka Baarlamaanka, waxaana kulanka shir guddoominaya Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.
Xildhibaanada ayaa maanta waxaa hortagaya Wasiirka Waxbrashada, waxayna su’aalo ka weydiinayaan intuu Wasaaradda joogay waxyaabaha u qabsoomay iyo Imtixaankii ay sanadkan qaaday Wasaaradda.
Ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa Booliska ayaa waxa ay sida caadada aheyd xireen wadada hormarta xarunta Golaha Shacabka, si ammaanka loo xaqiijiyo inta uu kulanka socdo.