Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maanta Kulan leh,Maxeey ka doodayaan!!

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalita oo Arbaco ah taariikhduna ku beegan tahay 3-da bisha Octoober 2018, kulan ku yeelanaya xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Maanta ayaa ah sii wadista dooda ku saabsan dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka kaas  oo Maalintii Isniinta aheyd ee la soo dhaafay ay siweyn uga doodeen Xildhibaanada.

Ajandaha Maanta ee ku saabsan dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka ayaa doodiisu waxa ay bilaabatay Maalintii Sabtida aheyd ee todobaadkii la soo dhaafay,iyada oo dooda ajandahaan ay tahay mid aad u dheeraatay.

Dadka dhinaca Siyaasada indha-indheeya ayaa aaminsan in ajandaha Baarlamaanka haatan horyaalla oo ay doodiisu aocoto uu yahay mid lagu mashquulinayo Xildhibaanada.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!