Xildhibaanada Baarlabaanka oo ku dhawaaqay go’aan ka dhan ah Farmaajo

Reading Time: < 1 minute

Qaar ka mid ah xildhibaanada Aqalka Sare ee laga soo doorto degaanada maamulka Jubbaland ayaa Kismaayo kaga dhawaaqay in ay ka hortagayaan dowladda dhexe ee Soomaaliya oo ay sheegeen in ay dooneyso in ay u gasho maamulka Jubbaland sidii doorashadda maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa ay sheegeen in haddii dowladda dhexe ay isku daydo in ay faragaliso doorashadda Jubbaland in ay ka hortagi doonaan, islamarkaana maamulka Jubbaland ay ka dhici doonto doorasho Xalaal ah.