Xildh. Baarlamaanka oo ka hor yimid musuqa Gud. Mahad Cawad sheegayna in uu caqabad ku yahay kalfadhiyada Baarlamaanka (Video)

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujiyey baaqashada warbixintii Guddiga Maaliyadda iyo shirkii maanta ee Golaha Shacabka, iyaga oo intaas raaciyey in ay xukuumadda carqaladeyneyso howlaha golaha, ugua baaqday in Gudoomiye Mursal in uu si degdeg ah golaha u Guddoomiyo.

Xildhibaan Cabdifitaax Cusmaan Daahir oo u hadlay shirkii Jaraa’id ee maanta ayaa yiri “Annaga oo ah xildhibanno ka tirsan golaha shacabka, waxaan idiinku yeernay in aan muujino walaaca aan ka qabno sidii loo maamulay dooddi sabtidii 24-kii bisha ay aheyd in aan ka yeelanno warbixinta maaliyadeedkii lagu gaaray qaraar baarlamaan, waxaa kaloo muujineynaa walaaca aan ka qabno inuu maanta baaqday shirkii Golaha Shacabka iyada oo goluhu u yaallaan ajendayaal muhiim ah, oo uu ka mid yahay ajendihii aan xirmin maalintii dhoweyd, ee warbixin maaliyadeedka ah iyo kii hanti-dhowrka oo akhrintii 3aad soo gudbay in golihii xirnaado walaac ayaan ka qabnaa”

Xildhibaan Cabdifataxa waxa uu intaas ku daray “waxaan aaminsanahay xiritaanka Golaha Shacabka ee maanta inuu qeyb ka yahay dadaalka ay xukuumaddu ugu jirto carqladeynta howlaha baarlamaanka oo ay ugu muhiimsan tahay korjoogteynta, taasina waxaa daliil u ah sidii loo maamulay iyo foolxumadii ka dhacday maalintii dhoweyd golaha shacabka”.

Waxaa muuqata in Gudoomiye Ku Xigeenka Mahad Cawad  uu noqday aalad ay xumuukadda Kheyre  u isticmaasho in lagu burburiyo Baarlamaanka iyo howlahiisa. Ma aha markii u horeeysay uu Mahad Cawad ka dhigto Baalamaanka xaruun uu lacag dalaal ah kaga qaato Baarlamaanka, waxa uu horay lacag ugu qaatay in uu Gudoomiye Jawaari shaqada laga ceyriyo.

Halkaan ka daawo hadalka Xildhibaanada: