Xildhibaanad ubax Tahliil oo Xukuumada Kheeyre Ku edeeysay Wax Ka Qabasho La’aanta Qaraxyada Ka dhaca Magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanad ubax Tahliil oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka aya ka hadashay Qaraxyada soo laablaabtay ee ka dhaca Magalada Muqdisho.

Waxa ay sheegtay in qaraxyada ka dhacaya Muqdisho aysan kaliya aheyn Al-Shabaab balse ay jiraan dad arrimo Siyaasadeed darteed qaraxyada u fulinayaan.

Waxa ay shegtay in waxa u baahan in baaritaan lagu sameeyo kaliya aysan aheyn Al-Shabaab balse ay jiraan dad doonaya in ay dumiyaan Siyaasada dalka.

Ciidamada Qalabka sida ayay ugu baaqday in kaalin weyn ka qaataan sugida amniga dalka,isla markaana aysan howlshooda ku dhex milmin xiisada Siyaasadeed ee dalka ka jirta si ay Ummadda Soomaaliyeed wanaag u garsiiyaan.

Shalay ayay aheyd markii ay Qaraxyo iska ag dhawaa ee ka dhaceyn Magaalada Muqdisho iyado ay sare u kacayaan Qaraxyada,dilalka iyo falalka kale ee amniga lidaga ku ah.