
Marwo Ilhaan Cumar oo safar ku joogta dowlada Goboleedka Puntland ayaa lagu wadaa in ay booqato degaanno ka baxsan caasimadda Garoowe. Xildhibaanada ayaa gelinka danbe ee maanta ku sii jeeda magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.
Qaban-qaabada soo dhaweynta Ilhaan ayaa ka socota Qardho halkaas oo la filayo in ay caawa ku hoyato. Dhanka kale xildhibaanada ayaa la filayaa in safar ku tago magaalada Muqdisho.
Madaama Xildhibanada ay soo doortaan shacabka Soomaliyeed ee ku dhaqan Miniapolis ee cariga Maraykanka ayaa doonaysa in ay xaqiijiso in aan loo arkin in ay tahay qof booqatay oo kali ah degaanka uu qabiilkeeda ka soo jeedo.