Xildhibaan: Xuseen Idow wasiir ama wasiir ku xigeen makaa dhigi karaa?

Reading Time: 2 minutes

Xildhibaan Xuseen Idow oo ay isku beel yihiin RW Xasan Cali Kheyre, ayaa u qaabilsan xafiiska RW Kheyre in uu maaweeliyo xildhibaano dhowr ah oo markoodii horeba u galay xildhibaanimo in ay noqdaan wasiir si ay isaga gudaan deymaha lagu leeyahay oo ay ku noqdeen xildhibaan.

Arrinta la yaabka leh aya ah in Xildhibaan Xuseen Idow uu si bareer ah u raadsado xildhibaanada aanan lahayn aqoon sare ama baahi weyn u qaba in ay mar uun noqdaan Wasiir. Xildhibaanada ka mugga weyn ayuu inta badan isku dayaa in uu handado ama ugu dhaarto in ay halis gelin naftooda. Waxaa ka mid ah xildhibaanada beenta loo sheego oo inta badan muddo sanad ah la maaweelinaayay.

  1. Xildhibaan saadaq warfaa oo Madaxweyne Faramaajo uusan arki karin,
  2. Xildhibaan Sahra Abdulqaadir oo wasiir ku xigeen lagu maaweeliyo.
  3. Xildhibaan Dahir Amin Jeesaaw oo isaga iyo goodax halmar loo Ballan qaaday in wasiiro laga dhigayo welina beentii lagu maaweelinaayo.
  4. Xildhibaan Abdullahi Carab oo isna lagu yiri kursiga wasiir Deeqa Yaasiin ayaa lagu sinayaa.
  5. Xildhiban Farxiya Mumin oo iyadana muddo sanad iyo bar ah sugaysay wasiir ku xigeen.
  6. Xildhibaan Abdifatax Qasim oo isna loo ballan qaaday wasiir ku xigeen.
  7. Xildhibaan Aadan Moobleen oo isna wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyarad loo ballan qaaday.
  8. Xildhibaan Ubax Tahliil oo iyadana loo ballan qaaday wasiir ku xigeen oo markii dambana guriga laga xirtay.
  9. Xildhibaan Muna kay oo iyadana loo ballan qaaday wasiiru dowlaha beeyada.
  10. Xildhibaan Mohamud Yaxye oo isna lagu maaweelinaayo wasiiru dowlaha xafiiska RW.

Haddaba waxaa isweydiin leh xildhibaanadaan ma caruur been hawaas lagu seexiyaa mise waa masuuliyiin siyaasadda qiimeyn karo oo fahmi karo wax aad sugaysay sanad in aaysan soo socon. Waxaa intaas ka sii yaab badan Xildhibaan Xuseen Idow oo isagoo nin weyn ah magaalo yimid jaamacadda Simad lagaga eryay qish ama plagiarism in uu caqliga xildhibaanada ku ciyaaro iyadoo aan ognahay istraatijiyada Villa Somalia in aay tahay in xildhibaanada lagu hayo wax kasto oo lagu hayn karo oo aay ku jirto ballan qaad been ah.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!