Xildhibaan C/rashiid Xidig oo ka tirsan Golaha Shacabka Somaliya, sidoo kalena ka mid ah Xildhibaanada wada dadaalada nabadeed ee xal u helida Khilaafka ka dhashay Mooshinkii laga keenay Madaxweyne Farmaajo, ayaa wuxuu ka hadlay kulankii xalay dhexmaray Gudoomiyaha Baarlamaanka & Ra’iisul Wasaaraha dalka.
Xildhibaan Xidig ayaa qoraal uu soo dhigay Boggiisa xiriirka Bulshada wuxuu ku bogaadiyay kulankaasi oo uu sheegay inuu yahay mid ka mid ah kulamada xal uhelida Khilaafka taagan.
Xildhibaanka ayaa sheegay rajo wayn inay ka qabaan dhawaan in la dhameeyo Khilaafka Gudoonka & Xukuumadda ka dhex taagan, dadaaladaasi oo hadda si wanaagsan uga socda Muqdisho, islamarkaana ay hor boodayaan xubno ka tirsan Golaha Shacabka Somaliya.
“Anigoo ku hadlaya magaca Guddiga Xalinta khilaaf bixinta, kan Golaha Shacabka iyo magaca Shacabka Soomaaliyeed waxan bogaadinayaa kulanka horumarka leh ee dhexmaray Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Gudoomiye Mursal oo ay hareeraha ka fadhiyeen 2-diisa ku xigeen kulankan oo daba docda wareegii 1-aad ee khilaaf bixinta 17/12/18 dhexmaray Gudoonka Golaha Shacabka.” Ayuu yiri Xidig.
“Waxaan ilaahay ka rajeyneynaa in loo gudbo midnimo iyo wadajir, lagana baxo kala aragti duwanaanta, waxaan ku taaganahay dariiqa xidida bixinta mugdiga iyo kala aragti duwanaanta waxaan ku rajo wayn nahay inaan mar dhaw soo af meeri doono loona gudbi doono midnimo waarta.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Xidig.
Xubnaha Golaha Shacabka Somaliya ayaa ku kala qaybsan Khilaafka Xukuumadda & Gudoonka ka dhex taagan, iyadoo ay jiraan Xildhibaano dhex dhexaad ah oo raadinaya xalka ugu wanaagsan ee lagu soo afjari karo Khilaafkaan taagan.