Waa qoraal joogto ah oo aan ku faahfaahin doono xildhibaanada korsiga xildhibaanimo u qaatay shaqo ahaan iyo inay biil ka helaan iyo kuwa u qaatay inay bulshadooda ugu adeegaan. Sideedana Xildhibaanada waa wakiillo bulsho ee maaha shaqo xafiis oo biil laga raadsado. Waa dhan inay leedahay faa’iidooyin uu qofku shakhsiyan ka helayo sida Xasaanad iyo dhaqaale uu ku hawlgali karo, walow uusan dhaqaalahaas wada buuxin Karin baahiyooyinka la yimaada xildhibaanimada gaar ahaan tan Somalida oo uu ammaanka iyo xorriyadda ugu horreyso.
Muqdisho Online waa wakiil bulsho oo iyadu is dirtay dib u akhri qoraalladeeda iyo tilmaamaheeda marnaba kama heleysid wax aan bulshada u dan ahayn. Waa dhab in cidda la dhaliilayaa aysan jecleyn cidda dacwada ku oogeysaa sida CNN iyo New York times oo Trump aad u necbaa NN iyo Farmajo marnaba ma jecleysan karaan Muqdisho Online.
Haddbba Xildhibaanka aan Maanta eegeynaa waxqabadkiisa iyo waxqabad la’aantiisa waa Xildhibaan Cabdisabir Nuur Shuuriye oo laga soo jeeda degmada Cadaado ee DG Galmudug. Xildhibaan Sabir waxaa uu ka mid ahaa xildhibaanno laba ah oo dowladda Farmajo ku qabsaday khaldaad ay gashay 2017 markii ui dhiibay Qalbi Dhagax ayay isku dayeen iney mooshin ka keenaan si dambigaas weyn oo uu galay lagula xisaabtano lakin aqoonxumo dowladeed ay xeer ilaalinto ku soo eedeysay inay qaranka duminayaan mar haddiiba ay ku dhiiradeed inay dhaliilaan dowladda NN oo qabtay in cid waliba ay iyadu ka adkaato, taasina waa tan dalka maanta dhigtay halka uu yaallo. Halkaan ka akhriso.
Waa kuma Xildhbaan CabdiSabir Nuur?
Waxaa xildhibaankan laga soo doortay Cadaado, Dowlad Goboleed Galmudug waxaana ku fadhiyaa kursiga Hop 71. Xildhibaan Saabir waxaa uu markale u sharraxan yahay waxaanu leeyahay waxqabad muuqda oo uu u qabtay Degmada Cadaado ee uu ka soo jeedo. Xil. Cabdisabir marka laga soo tago difaaca qaranimo oo uu ku muteystay inxataa maxkamad loo diyaariyo laakiin lagu guuleysan waayey ayaa waxaa jira waxyaabo cad cad oo uu qabtay oo u galaya diiwaanka Cadaado iyo Kan Jamhuuriyaddaba.
- Waxaa uu waxbarasho ka bixiyey arday 55 ah oo heer jaamacadeed ah oo kala yimid DG Glamudug haba ugu badnaadaane degmada uu ka soo jeedo ee Cadaado.
- Waxaa uu aasaasay muddo laba sano ahna uu toos gacanta ugu hayey iskuulka tuulada Biyo Guduud waxaana hadda uu marayaa 150 arday, waxaanu ku wareejiyey wasaaradda waxabarashada DG sanadkaan 2021
- Waxaa uu Mataanayey Cisbitaalka Cadaado iyo Cisbitaalka Erdugan -ex Digfeer oo dhibaatooyinka caafimaad ee aan wax looga qaban Karin Cisbitaalka Cadaado in lagu wareejiyo Cisbaitaalka weyn ee Erdugan ee Xamar ku yaalla si lacag la’aan ahna loogu daweeyo, taas oo uu faa’iidadeeda garan kara qofkii uu xanuun ku haleelay Cadaado, waxna looga qaban waayey halkaas ee inta Xamar la keenay lagu daaweeyey Erdugan oo isagoo lugahiisa ku socdaa ehelkiisi ku noqday.
- Waxaa uu Labada Ceel biyood oo uu midna lacag caddaan ah uu asagu u bixiyay lagu qoday midka kalana Hay’ad ka keenay ceelashaas oo biyeeyey dhul oomane ah oo baahi weyn loo qabay, taas oo ay ku diirsadeen ugana duceeyeen dadkii oonleyda ku noolaa oo helay biyo macaan oo nadiif ah.
- Iyo dhammaan hawlaha nabadeynta, isu keenka bulshada Galmudug oo aan iyada mid mid loo tirin karin
Run ahaan waxaa dareen wacan na gelisay oo nagu bixisay in aan qormadaan ka sameyno xildhibaanka Cabdi Sabir markii aannu ogaanay inuu 55 arday waxbarasho jaamacadeed ka bixiyey oo uu siiyey (Shoolarship). Hal shakhsi ma bixin karaa 55 qof waxbarshadooda waayo waxaa waxbarshada intaas la eg bixiya waa dowlado ee qof qof dhaafay ayaa bixin kara, waana wax aad u weyn oo ay tahay shacbiga Soomaaliyeed, gaar ahaan Reer Galmdug iyo si gaar ah reer Cadaado inay aad u ilaashadaan shakhsiyaadka u shaqeeyey ee aan ka shaqeysan.
Sidoo kale waxaa muhiim in ciddii xildhibaan ah ee haysata waxqabad sidaan oo kale ay miiska soo saarato. Inta badan xildhibaanada barlamanka 10aad waxay u badnaayeen calooshood u shaqeystayaal iska dhaaf cid ay wax u qabtaane wax weyn ayey qarankan u dhimeen, waana kuwa awoodda u siiyey NN inay la dagaasho kuwa yiri war sidaan sax maaha , kuwaas oo uu safka hore kaga jiro Xildhibaan Cabdisabir Nuur Shuuriye. Reer Galmdug iyo Reer Cadaado ha xusuusteen erayadii MW Adan Cabdulle Cisman ee ahaa “ Somalida Raggeeda ha kala Barato”. Reer Cadaadow ha iska lumin Cabdisabir oo tijaabadaba ka baxay ,kan heli doontid ma hubtid inuu sidaan kuugu adeegi doonee.