Maalmihii la soo dhaafay waxaa xiisado colaadeed ka taagnaayeen deegaano ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud,waxaana xiisadahaas ay isku bedeleen gacan ka hadal.
Laba maleeshiyo beeleed ayaa dhawaan ku dagaalamay tuulooyin hoostaga degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud,wallow ciidamo ka tirsan dowladda kala dhex galeen,waxana ka hadlay xildhibaan ka tirsan golaha Shacabka.
Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxa uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado xiisadaas colaadeed ee ka taagan deegaanada Gobolada Mudug iyo Galgaduud.
Xildhibaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu ku baaqay in dagaaladaas la joojiyo,isla markaana dadka Shacabka ah nabadgelyadooda la ilaaliyo,isla markaana dib u heshiisiin loo sameeyo.