Xildhibaan Qiray Iney Fashilantay Xukuumada Kheyre

Reading Time: < 1 minute
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay in ay ku fashilantay in ay  u gurmato dad Shacab ah oo dhawaan ku dhawaaqay in ay dagaal la gali doonaan dagaalyahanada Al-Shabaab.
Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in xukuumadda Xasan Cali Kheyre aysan u gurman Koox Macawisley ah oo dhawaan dagaal ka dhan ah Shabaab kaga dhawaaqay Shabeellaha Dhexe.
Waxaa sheegay in dadkaasi la rabay in lagu taageero hub iyo dhaqaalle si ay u xoojiyaan dagaalka Al-Shabaab.
Xildhibaanka ayaa sheegay in uu tacsi u diraayo Hoggaamiyihii Kooxda Macawisleyda oo ku dhintay dagaal maalmo ka hor ka dhacay Shabeellaha Dhexe ka dib markii Shabaab ay weerar kusoo qaadeen.
Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!