Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in dadka ku nool degmada Dayniile ay qabaan culeys ku aadan Ciidamo milateri oo dhex degan degmadaas.
Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo ka hadlayay Munaasabad uu xilka kula wareegayay Guddoomiyaha cusub ee degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin in degmada ay noqoto xero milateri.
“17-ka degmo ee Gobolka Banaadir degmada Dayniile ayaa ka jirto degmo ay Ciidamo Milateri degan yihiin, in degmo ay Milateri degenaadaan wax socon karo ma ahan, mana loo dulqaadan karo”ayuu yiri Xildhibaan Dhuxulow oo intaa ku daray in Madaxda dalka haddii aanay arrintan ogeyn ay ogeysiinayaan.
Sidoo kale waxaa uu xusay in maalin walba oo la soo magacaabo Wasiir cusub iyo Taliye uu shaqada ugu horeysay ka bilaabo inuu dhaho waxaa soo booqday xeryaha Ciidanka ee Dayniile.
“Maalin kasta Wasiir cusub iyo Taliye cusub ayaa la soo magacaabaa, shaqo kasta uu qabto wuxuu dhahaa waxaa soo kormeeray xeryaha ciidanka Dayniile, horta Dayniile yaa habaaray oo degmooyinka kale u duceeyay, haddii ay noqonayaan in ciidan ay degmada joogaan waa ciidanka booliska oo shacabka kalsooni ku qaba”ayuu yiri Xildhibaan Dhuxulow.
Degmada Dayniile ayaa ka mid aheyd meelaha ay ku yaallaan xeryaha ciidanka, sida Kulliyaddii Jaalle Siyaad, Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo goobo kale oo ciidanka degenaa xilliyadii dowladdii hore.