Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan Golaha shacabka ayaa ka hadlay is mari waaga u dhaxeeya Ganacsatada Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Maaliyadda, kaasoo ku saabsan canshuurta dheeriga ah ee lagu soo rogay Ganacsatada.
Xildhibaan Abuukaate ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda aanay xaq u laheyn inay canshuur dheeri ah ka qaado Gobolka Banaadir oo kali ah, isagoo xusay in looga baahan yahay in magaalooyinka kale ee dalka ay ka qaado.
“Maalmahan waxaa socotay in Ganacsatada lagu soo rogay Canshuurta la yiraahdo Iibka oo ka baxsan canshuurta caadiga ah ee Kastamka Dekeda, sida aan wada ognahay Wasaaradda waxey Wasaarad u tahay dalka oo dhan,Waxeyna ku qurux badan tahay in canshuurta laga wada qaado si siman dalka oo dhan”ayuu yiri Xildhibaan Abuukaate.
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa soo jeediyay in canshuurta Iibka ee lagu soo rogay ganacsatada loo wareejiyo Maamulka Gobolka Banaadir, si adeegyada bulshada logu fuliyo.
Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa maanta sameeyay shaqo joojin, iyadoo la xiray Ganacsiga Suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaana Ganacsatada ka cabanayaan canshuurta Iibka ee lagu soo rogay alaabta laga soo dejiyo Dekeda oo ay sheegeen in laga qaado ka hor inta aanay goobaha ganacsiga geyn, taasna ay khasaare ku tahay.