Magaalada Muqdisho aya maalmahan waxa ay aheyd mid qalqal xoogan dowlada ay galisay iyado dadka ku sugan muqdisho ay todobadkan ad ula yaabeyn in Magaalada Gudaheda Lakala Xiro oo qad cagaaran loo sameeyo taaso baqdin xoogan shacabka galisay.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu waddaa Marka uu furmo kala fadhigooda in ay xukuumadda Soomaaliya ay kula xisaabtamaan Wadooyinka Muqdisho ee xiran.
Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu sheegay in xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay xukuumadda kula xisaabta midoonaan dhibaatooyinka heysta Shacabka Soomaaliyeed ee ah xirnaanshaha Wadooyinka.
Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu shacabka Soomaaliyeed uu kaga baxay balankii uu qaaday Shacabka ee ahaa in wadooyinka la xiri doonin.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale dowladda ku eedeeyay in ay ku fashilantay xaqiijinta Amniga Muqdisho, islamarkaana Wadooyinka oo la xiraa aan amni lagu sugikarin.