Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim”Ha is Casilo C/wali Muudeey”

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqday Gudoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya C/wali Shiikh Ibraahim Muudey in uu icasilo.

Waxa ay sheegtay in Dastuurka uu sheegay in la xaday uu Gudoomiye Baarlamaan ku yahay,islamarkaana dhamaan xildhibaanadda lagu soo doortay.

“Maalin dhaweyd waad maqasheen in Muudey uu dhahay waa la xaday Dastuurkii dalka, arintaas waxaa ka hadlay Guddiyadda Dastuurka, Muudey Dastuurka uu sheegay in la xaday waa midka uu Gudoomiye ku yahay Xildhibaanada-na lagu soo doortay”, ayay tiri Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim.

Dhawaan Gudoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya C/wali Shiikh Ibraahim Muudey ayaa sheegay in la xaday Dastuurkii dalka,islarmarkaana Nuqul kamid ah dhawaan la helay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!