Xildhibaan Mahad Salad aya soo dhigay bartiisa facebook raalli gelin uu ka bixiyay gafkii Gud. Mahad Cawad ee uu isku dayay in uu afka qabto saxaafadda madaxa bannaan.
qoraalka Xil. Mahad Salaad ayaa u qornaa sida hoose
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka inta ku kacay ficiladdii iyo habdhaqankii foosha xumaa ee lagu afduubay Golaha Shacabka iyo Gudiga Maaliyada maalintii Sabtiga 24/11/2018 in hadana uu isku dayo in uu handado warbaahinta madaxa banaan waxay gaf labaad ku tahay sharafta iyo karaamada gudoonka Golaha Shacabka.
Sidoo kale waxaan ugu baaqaynaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka in uu qabsado mas’uuliyadii aan u dooranay kana jawaabo xad gudubka iyo gafafka uu ku kacayo gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee sida muuqata haya shaqo dad kale uu wakiil uga yahay looguna gafayo sumcada gudoonka, dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.
Waxaan ka raali galinaynaa umadda Soomaaliyeed ee wakiilka aan ka nahay iyo warbaahinta madaxa banaan gafafkaan uu ku kacay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka.
Mahadsanidiin.
Hon. Mahad Salad