Xildhibaan Macoow”Lafta-gareen balantii waa inooga baxay waana qaa’in”

Xildhibaan Macoow oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka K/galbeed Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aysan jirin cid ku qanacsan Golaha wasiirada ee uu dhawaan soo dhisay Madaxweyne Lafta-gareen.

Waxaa uu sheegay in balantii looga baxay islamarkaana balanqaadyadii uu sameeyay Lafta-gareen uu durba baalmaray, taasi oo uu ku tilmaamay waan gaaray halkii Aan rabay”’Lafta-gareen balantii waa inooga baxay waana qaa’in”

Shacabka k/galbeed Soomaaliya ayuu sheegay in ay dhiban yihiin islamarkaana ay u baahan yihiin hogaan Aan ka laaban go’aamadiisa.

Xildhibaanada k/galbeed ayaa waxaa ay hada ka qoomameeynayaan doorashadii Madaxweyne Lafta-gareen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here