Xildhibaan Lagu Dilay Baydhabo Iyo Dibad-baxyo Socda (SAWIRO)

Reading Time: < 1 minute

Waxaa saaka magaalada Baydhabo lagu dilay xildhibaan Cabdishakuur Buulle, oo ahaa guddoomiyaha guddiga amniga ee baarlamaanka koonfur galbeed ee Soomaaliya.

Amni ahaan, waxaa Baydhabo lagu daadiyey ciidamo booliis ah oo la doonayey iney furaan jidadka laakin waxaa ka hor istaagay ciidamo taageersan Mukhtaar Roobow.

Dhinaca kale, waxaa socda dibad-baxyo looga soo horjeedo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya

Qalalaasaha Baydhabo aya imaanaya kadib markii Khamiistii ay dowladda federeaalka ah soo xirtay murashaxii madaxtinnimada koonfur galbeed Mukhtaar Abuu Mansuur Roobow. Mansuur hadda waxaa uu ku xiranyahay Muqdisho.