Xildhibaan Lafta-Gareen oo Hal Milyan iyo Wasiirka Gaashandhiga Ku Badashay Codadkiisi Shalay.

Reading Time: < 1 minute

Iyado shalay ay Muqdisho ka dhacday Doorashada Xilka Afayahen Golaha shacabka aya waxa ku loolamay Xildhibaano Musharaaxin aha oo ku tartamayay Xilka Gudoomiyaha Golaha Golaha Shcabka.

Xildhibaan Cabdicasiis Xasan Lafta-Gareen oo horay u aha Wasiiru dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha oo iska Casilay Xilkaasi ka dib markii uu ku biiray Loolanka logu jiray Xilka Gudonka Golaha Shacabka aya waxa shalay qeybiihii u danbeeyay Codkii uu ka gatay Xukuumada Xasan Cali Kheyre.

Xasan Cali Kheyre aya C/wali Muudeey ku war galiyay in Lafta Gareen laga dhaadhiciyo in uu warejiyo Xildhibanadisa iyado lasinayo 1 Milyan Dolar iyo Wasiirka Gaashandhiga Soomaaliya waxana uu Xildhiban lafta agareen Wareegii Labaad ku warejiyay Xildhibanadisa Maxamed Mursal Si uu ugu guleysto Xilka Gudomiyaha Golaha Shacabka oo uu ugu danbeyn ku guleysto.

Lafta Gareen ayana fuliyay qodobadi lagu heshiiyay ee aha in uu Xildhibanadi ku warejiyo Dorashadana ka baxo Si Maxamed Mursal oo Afayahenka Golaha Shacabka ugu geleysto,waxana shalay ay ahayen Qorshayasha ay dagayeen Kheyre iyo Xertiisa.

Xildhibaan Cabdi Casiis Lafta Gareen aya hada heysta Balan qaadka Wasiirka Gashaandhiga Soomaaliya,iyado 1 Milyan oo doolar logu shubay Akonkiisa.

Laaluushkan oo ah lacagihii Shacabka Soomaaliyeed aya waxa lo isticmalaya Dano gaar ah iyado ay Shacabka Baladweyne ku Jiraan Xalad u bahan gargaar deg deg ah.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!