Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka oo lagu magacaabo Maxamuud Axmed Ciise ayaa isaga oo la hadlaya warbaahinta ayaa ku eedaymo xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay dagaal kula jirtio shacabka iyo dowlada Puntland.
Xildhibaanka ayaa xusay talaaboyin kala duwan oo ay qaaday xukuumada Kheuye taas oo lagula dagaalamayo shacabka reer Puntland. Xildhibaanka ayaa sheegay in wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ku eedeeyay in ay si cad shahaadadii Jaamacadaha ugu diidday ardayda ka yimaada degaannada Puntland ee soo dhammaystay dugsiyada sare si ay uga reebto ardayda asaagood ah ee ka yimid gobollada kale ee dalka.
Xildhibaanka ayaa madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ku tilmaamay in ay dagaal ku hayaan nolosha iyo jiritaanka shacabka Puntland isagoo madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Khayre ku eedeeyay in ay kicin iyo iska horkeenid ay ku wadaan shacabka iyo dowladda Puntland si ay u wiiqaan jiritaanka Puntland.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Farmaajo iyo Kheyre u quuri waayeen warqad yar oo looga baahday lana xiriirtay dhismaha dekedda Garacad ee gobolka Mudug oo si isku tash ah loo dhisayo. Dhinaca kale Xildhibaanka ayaa madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Khayre ku eedeeyay in ay dagaal gaar ah iyo tir-tirid siyaasadeed ku hayaan mid kamid ah beelaha dega Puntland oo guud ahaan laga sifeeyay xilalka iyo shaqooyinka muhiimka ah ee dowladda Federaalka.